U bood dhigaalka

Xildhibaan Sheegay In Guddiga Doorashooyinka 2016 Ay Ku Howlgalayaan Xeer Jajab

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Geeddi Iidle Xerow oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah ay la yeelatay Goobjoog News ayaa sheegay in guddiga doorashadada laga fileyn iney ku shaqeeyaan sharci taa bedelkeedana ay xeer jajab adeegsan doonaan.

Waxa uu ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay in guddigan xilliga la magaacay aaney munaasab ahayn oo la rabay in wakhti hore ay howshooda bilaabaan:

“Xilligii munaasabka ahaa ee guddi doorasho la magacaabi lahaa la masameyn, shaqada hortaalla iyo dhankaa marka laga fiiriyo, waxaad dareemeysaa inuu culeys badani jiro, si mar xaladda hadda taagan looga gudbo kolley anigu waan soo dhaweynayaa in guddi la magacaabo oo hadda guddigu uu shaqeeyo”.

Waxa uu xusay inaanuu filayn  in guddigan u shaqeeyo sidii guddi doorasho awood leh culeysyo badan oo jira awgeed:

“Guddigan ma filayo inuu u shaqeynayo sidii guddi doorasho ee la arki jiray , maxaa yeelay xilliga uu hayso oo yar iyo howsha sugi baaxadeeda markii laga fiiriyo howl badan baa u taalla, wacyi gelin ayaa laga rabay, diiwaan gelin baa laga rabay, gobolada dalka oo dhan iney kasoo diiwana galiyaan baa laga rabay dadkii codeyn lahaa iyo kuwii tartamayaashii, haddii loo helo howshaas wax u  fududeeya haddii ay ahaan lahayd gaadiid iyo dhaqaalaba waxaa laga yaabaa wakhtiga yar ciriiriba ha ku ahaatee iney wax un sameeyaan”.

“Soomaaliya iney dadku sharci ku shaqeeyaan kama jirto waxay iskaga dhaqmaan xeer jajab, ma filayo iney sharci ku shaqeyn doonaan”, waana sida uu hadalka u dhigay.

“Wakhtigoo gabogabo ah darteed ma filayo iney guddigan talo kale u harsan tahay, waa guddi aan sidaa u sii madax banaaneyn oo go’aanka ugu dambeeya aan iska lahayn, si kastaba ha ahaatee waa marxalad maanta looga gudbi karo wacyiga hadda taagan, waxaan fileynaa guddigani waxay sameeyaanba in doorashadii xilligeeda lagu qabto”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in marnaba aan Soomaaliya laga fileyn iney cadaalad ka dhacdo, laakiin uu aaminsan yahay in guddigan doorashada ee hadda jira laga warsugo iyaguna ay sidii ugu hobbooneyd ee ugu dhakhsiyaha badan howshooda ugu gutaan.

Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa dhawaan lagu dhawaaqay, iyadoo illaa hadda aaney jirin sharci la tilmaamay iney ku howlgalayaan guddiga oo la sameeyay, wakhtiga la rabo iney wax ku qabtaanna uu aad u kooban yahay.

Goobjoog News