U bood dhigaalka

Xildhibaan Xerow “Waxaan Idiin soo Gudbin Karaa Liiska Dadka Baarlamaanka Ka Soo Geli Doona Jubbaland”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Iidle Geeddi Xerow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee hadda wakhtigiisu uu gabagabada ku dhaw yahay oo wereysi gaar ah siiyay goobjoog News ayaa sheegay in uu  musuqmaasuq baahsan ka jiro doorashooyinka, isagoo sheegay inuu ka warqabo dadka ku soo baxaya doorashooyinka baarlamaanka aqalka hoose ee Jubbaland.

Xildhibaanka oo aan ka wareysannay walaacii dhawaan beesha caalamku ka muujisay doorashooyinka, ayaa ugu horreyn ka hadlay halka uu joogo ee Jubbland sida ay wax uga socdaan, waxa uuna yiri;

“Waa war fiican walow aan dhahayo waa lala soo daahay, walow aanan dalka intiisa badan ka warqabin, hadana qof walbaaba waxa uu ka hadli karaa meesha uu ka warqabo, annaga hadda meesha aan joogno ee Kismaayo haddii la i weydiiyo, anigu totally(gabi ahaanba) doorasho kama jirto ayaan leeyahay, markaa wey diyaarsan yihiin, baarlamaanka inta galeysaa wey qoran yihiin, kolley waxaa haboonaan lahayd mar haddii sidaa loo diyaarsanayo inaan la oran doorasho ayaa ka jirta dalka Soomaaliya, maamul goboleedyadu ha soo qortaan dadka, wax for example ah oo macno weyn sameynayn oo la ogyahay qofka baarlamaanka soo galayo yaa ka jirta”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu tilamaamay in kursigii ay beeshiisu ku lahayd baarlamaanka la boobay oo qolo kale la siiyay;

“Kursigii ay beeshu lahayd gabi ahaantiisba waa la xoogay, beel kale baa labadii kursi isla qaadatay, sidaa darteed arrin jirta waaye waxaa ay beesha caalamku sheegeen, dadka Soomaaliyeedna waxaan beesha caalamku ka halleyn kama hallaabin, sababta oo ah; iyagaa maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya in badhasaab ah oo la yiri masiirkii dadka Soomaaliyeed idigaa gacanta ku haya; xildhibaanadii isagaa qoranaya, awooddii uu lahaa ayuu is ticmaalay; sidaa darteed aadbay ii saameysay kursigii aan lahayn”.

Waxa uu ka hadlay in cadaalad darradu tahay middii horey iskugu dirtay shacabka Soomaaliyeed, maanta halka la taagan yahayna ay sabab u tahay;

“1968-kii cadaalad darradii Soomaaliya ka dhacday waa waxa dalka maanta halkan soo gaarsiisay, taasna hadda dadka Soomaaliyeed wax kasii foolxun bay ku socdaan, dadka marka xuquuqdoodii aasaasiga ahayd loo diido oo ay xaqa u lahaayeen; hadhow waxaa ka imaanaya caro laga yaabo iney dib dambe colaaddii sokeeye Soomaaliya ugu celiso”.

Xildhibaan Xerow waxa uu eedeyn u soo jeediyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jubbaland oo uu sheegay iney u diyaarsan yihiin liiska xildhibaanada cusub ee aqalka hoose u matalaya Jubbaland;

“Ninka ka ah guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka(Jubbaland), wuxuu isku darsaday awooddii maalmul goboleed, tii guddiga doorashooyinka iyo tii odey dhaqameedka, annagu halka aan joogno Konton iyo dhowrka xildhibaan guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jubbaland baa diyaarsaday  oo ay diyaar u yihiin, waxa uu ganacsaar la leeyahay musharixiin kale, ma xaqiijin karo in madaxweynaha Jubbaland uu kula jiro iyo in kale, waxaan hayaa oo aan idiin soo gudbin karaa liiska dadka baarlamaanka ka soo geli doona Jubbaland”.

Warbixin ay soo saareen beesha caalamka 30 October, oo ka kooban midowga Afrika, midowga Yurub,  IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ka walaacsan yihiin musuq-maasuq ka jira doorashada Soomaaliya iyo warbixinnada la xiriira handadaadda lagu haayo dadka musharxiinta ah ee aqalka hoose iyo kuwa doonaya in ay ka mid noqdaan ergada doorasho.

Goobjoog News