U bood dhigaalka

Xildhibaan Xoosh Jibriil “Nin u Haysta Inuu Dastuurka Ka Sarreeyo Ayaa Dalka Madaxweyne Ka Ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay caawa Goobjoog news waxa uu sheegay in marnaba aysan macquul ahayn in mar qura madaxda dowladda Federaalka ay ka wada baxaan dalka.

Waxa uu sheegay in qodobka 94-aad ee Dastuurka dalka u yaalla uu qabo in marka uu madaxweynaha dalku uu maqan yahay uu ku sime yahay guddoomiyaha baarlamaanka balse aanu qabin Dastuurka hadii uu ka daba baxo gudoomiyaha Baarlamaanka aanu sii haye madaxweyne noqdo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

“Arrintaasi waxay keenaysaa qalqal oo Dastuuri ah, macquul ma ahan in wadanka uu ahaadaa madaxweyne la’aan, madaxweynihii baa dalka ka tagay, ku simihii oo ahaa guddoomiye Jawaari ayaa ka tagay, Dastuurka waxa uu leeyahay qodobkiisa 94-aad in madaxweyaha hadii uu baxo uu ku sime yahay gudoomiyaha baarlamaanka, Jawaari waa uu baxay waxaana uu ku doodayaa inuu ku simaha madaxweynaha sii yahay gudoomiye ku xigeenkiisa Jeylaani Nuur Iikar, marka arrinkaasi waa mid Dastuurka wax u dhimeysa waliba iyadoo xilligaan xasaasi ay tahay oo amnigii meel xun uu marayo” ayuu yiri xildhibaan Xoosh.

Waxaynu weydiinnay xildhibaanka waxa ku jaban in Mr. Iikar uu sii noqdo ku simaha madaxweynaha mar hadii gudoomiyahii baarlamaanka uu ku xigo madaxduna dalka ay ka maqan tahay.

“Dastuurka wuu qoran yahay mala awaal ma ahan, hal qof oo kaliya ayaa ku sime noqon kara isagii noqon lahaa wadanku wuu ka tagay, marka Jeylaani intuu soo baxo oo xaalad degdeg ah inuu qaraar ka gaara waxay noqoneysaa wax aan Dastuurka waafaqsaneyn ama hareer marsan” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaanka.

“Guddoomiyaha baarlamaanka ma ahayn inuu baxo meel walbo oo laga casuumo waxay ahayd inay ka wada hadlaan isaga iyo madaxweynaha maadaama ay arrintaan Dastuurka kasoo horjeeddo, laakiin waxay tani na tuseysaa ayna toosh ku ifineysaa Seddaxdii Sano iyo barkii lasoo dhaafay in madaxweynaha uu ku tuntay Dastuurka, waxa uu madaxweynaha isku haystaa inuu ku dhisan yahay boqortooyo oo aan Dastuur ku dhisneyn, nin u haysta in uu Dastuurka ka sarreeyo ayaa dalka madaxweyne u ah”

Mar uu ka hadlayey xildhibaan Xoosh arrimaha ku aadan la xisaabtanka madaxweynaha ayuu sheegay in marar badan ay la xisaabtameen, mooshin ay ka keeneen balse guddoonka baarlamaanka ay arrintaasi ku fashilmeen, balse waxa uu ku goodiyay in waxyaabaha hadda jira iyo safarada madaxda ay horgeyn doonan baarlamaanka marka uu isku soo laabto.

“Madaxweynha waan la xisaabtannay marar badan mooshin baan ka keennay, dabcan hay’adihii la rabay inay doorkooda qaataan oo uu ka mid yahay guddoonka baarlamaanka wey ku fashilmeen taas, hadda baarlamaanka markii uu soo noqdo weynu keenaynaa maxaa yeelay waqtiga hadda lagu jiro waa xasaasi oo loo baahan karo in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah, dadkii Dastuurka u igmaday inay ku dhawaaqaan wey ka maqan yihiin, madaweynaha calaamadda uu leeyahay waxay tahay markii ay xaalad degdeg jirto ninkii xukumayey ciidanka oo dhan”

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaanka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa imaanaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari ay hal mar dalka dibadiisa u safreen.

Goobjoog News