U bood dhigaalka

Xildhibaan Xoosh Jibriil Oo Cabasho Ku Sheegay Mooshinkii Laga Keenay Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkii dhawaan laga keenay baarlamaanka Jubbaland uu u arko mid cabasho ah.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in ay ku wanaagsaneyd war-murtiyeed siyaasadeed in arintaasi laga soo saaro, balse gudoomiyaha aan looga baahneyn in mooshin uu ka dhigo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka waqti dambe uu ku yeelan doono talo arimahaan, hase ahaatee xilligaan ay tahay mid la doonayo oo kaliya in shacabka ay aayahooda ka tashadaan.

“Dadka soo qoray waxa ay u dhigeen in ay tahay Mooshin, laakiin aniga waxaan qabaa in ay ku saleysan tahay inay tahay dad qaba cabasho, waxa meesha la keenay mooshin ma ahan, sharci ahaan, balse waa war-murtiyeed siyaasadeed in laga soo saaro ayeey ku qumaneyd, gudoomiyaha lama rabin in uu u qiimeeyo mooshin, sababta aan saas u leeyahay waxay tahay baarlamaanka Federaalka maamul u sameynta gobalada hadda talo u taallo ma ahan, talo wuu ku leeyahay, laakiinse waa waqti dambe, dadka meesha degan in ay iyaga aayahooda ka tashtaan dowladana ay hogaan u noqoto ayaa loo baahan yahay, laakiinse waqti ayaa jirto oo baarlamaanka Federaalka ku yeelan doono kaalin, waqtigaasina waxa waaye markii ay waxa oo dhan soo dhamaadaan, lana dhiso guddigii xuduudaha iyo Federaalka” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay in isaga talo ahaan uu ku bixiyay in la qanciyo dadka wax tabanaya, islamarkaana aanu qabin aragti ah in la burburiyo baarlamaan dhisan, waxaana uu tilmaamay si xal xitaa loo helo in tirada lagu daro.

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay mooshin ka keeneen baarlamaanka maamulka Jubbaland, iyadoo sidoo kale ay jiraan xildhibaano mooshinkaasi kasoo horjeeda.

Goobjoog News