U bood dhigaalka

Xildhibaan Xoosh oo Ka Warramay Khatar Ku Hor Gudban Dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa  sheegay in khatar ay ka jirto dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Xoosh oo aan la yeelanay wareysi dhinacyo badan taabanayay ayaa waxa uu ka hadlay; dhibaatada ka taagan dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, lacagta laga qaadayo murashixiinta xilka baarlamaanka dalka, Matalaadda dumarka iyo qodobbo kale, waxaase ugu horreyn uu ka hadlayay khatarka ka jirta dhismaha aqalka sare, waxa uu yiri:

“Qodobadii lagu soo heshiiyay kulligood kuwo khaldan bay ahaayeen oo hareer marsan shuruurcda dalka u taallo, waxaad mooddaa in la iskaga degdegay oo la is lahaa wax un hala gaaro, dhowr qodob ayaan u sababeynayaa, tan ugu horreysa aqalka sare sidii loo dhisi lahaa waxay ku jirtaa khatar, maxaa yeelay aqalka sare sida ku dhigan dastuurrada Dunida waa gole meel ayay matalaan qabaa’illo ma matalaan, maamullada dhisan ee hadda Puntland iyo Jubbaland, Galmudug, K.Galbeed, xaggee looga keenayaa aqal sare , Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo isku xiran illaa hadda arrinkoodii aaanuu dhameys tirneyn iyo Somaliland oo maamul goonni ah uu ka jiro oo wadahadal lagula jiro, waxaas oo dhan carqalad weyn ayay keenaysaa iyo khilaafaad cusub”, ayuu yir xildhibaan Xoosh.

Waxa uu xildhibaanku ka hadlay lacagta laga qaadayo musharixiinta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku tilmamaay mid hareer marsan Dastuurka:

“Xildhibaanka aqalka hoose waxa uu bixinayaa 5000 oo dollar, kan aqalka sare-na waxa uu bixinayaa 10000 oo dollar, dastuurka qodobkiis 22aad waxa uu leeyahay qof kasta oo Soomaali ah waxa uu xaq u leehayay inuu wax doorto iyo in la doorto, meel ay uga dhigan tahay ma jirto waa inuu lacag haystaa, waxaa jirta dad fikrad fiican keeni kara, baarlamaanka geli kara oo madaxweynayaal noqon kara laakiin dhaqaaluhu aanuu u saamaxayn”.

Waxa uu  Xoosh si qoto dheer uga hadlay matalaadda dumarka oo uu yiri maaha in 30% oo kaliya lagu kobo ma talaadooda:

“Dumarka matalaadoodii waxaa cajiib ah oo lagu heshiiyay boqolkiiba Soddon ha la siiyo  xildhibaannada iyo aqalka sare ee baarlamaanka, laakiin meel ay Soomaalidu ku heshiisay ma jirto dadka la dooranaayo 30% kaliya ayaa dumar noqonaaya, hadda waxaa u qoran madasha in 51 qof ee xildhibaannada dooranayaa boqolkiiba 30% ay dumar noqdaan, taasina waxay ka soo horjeeddaa dastuurka qodobka 11aad oo ah dadka oo dhani waa uu wada siman yahay, waxaad mooddaa in waxaan laga fiirsan lasoo maleegay”, ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Xoosh waxa uu farta ku fiiqay iney habbooneyd waxyaabaha xasaasiga keenaya inaan dib u dhiganno, si ay doorashadu u suurtogasho:

“Khilaafaadka hadda jiro, Hiiraan waa qasan tahay, Banaadir waa qasan tahay, Khaatumo warakeedu aad ayay u qasan yihiin oo wali xal lagama gaarin, waxaas oo dhan anigu uma arko iney keeni karto in si degdeg ah doorasho lagu galo, haddii doorasho la tagayo waxay ahayd waxyaalaha xasaasiga keenaaya inaan dib u dhiganno, kuwaas oo uu ka mid yahay aqalka sare”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu rajo beel ka muujiyay waxyaabaha laga fil karo shirka madasha ee 7 bisha oo aaddan ay ku ballan san yihiin madaxda dowladda kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxa uu timaamay in waxa kaliya ee ugu fiican ay tahay iney isla gartaan in aqalka sare dib loo dhigo doorashadiina la galo ammaankana laga shaqeeyo.

Golaha madasha wadatashiga qaran ayaa mar kale ku ballan san kulan koodii ugu dambeeyay ee Madasha  7 bisha September ee soo aaddan, iyadoo la filayo iney ka go’aan qaataan aqalka sare ee baarlamaanka dalka iyo goobta doorasho ee Hiiraan iyo Shabeeha dhexe iyo qodobbo kale oo khuseeya doorashada 2016.

Goobjoog News