U bood dhigaalka

Xildhibaan Xoosh oo Puntland Ugu baaqay iney Caburinta ka Daayaan Siyaasiyiinta iyo Saxaafadda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in madaxda Putland ay dhageystaan ra’yiga siyaasiyiinta kale si ay u ogaadaan dhaliishooda isla markaana ay tixgeliyaan xaqa dastuuriga ah ee qofku u leeyahay inuu cabiro ra’yigiisa.

Xildhibaan Xoosh Jabriil ayaa tilmaamay iney jiraan siyaasiyiin aragtidooda ka hadlay oo arrinkaa loo xiray, taasina ay qalad tahay. Wuxuu kaloo tilmaamay in hadalkii wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ee hanjabaadda wariyeyaasha uu yahay wax loo xiri karo wasiirkaasi.

” Dastuurka Puntland wuu dhigayaa, dastuurka federaalkuna uu dhigayaa in qofka Bani’aadamka ah uu leeyahay inuu cabiro fikirkiisa, hadduu siyaasi yahay haddaanuu dhaliisha sameyn, qofku waa inuu dhaliil keeni karaa uu tusi karaa dadka waxbaa meeshaa khaldan waxbaa saxan, haddii lagu saxo inaad dhageysato ayaa la rabaa si aad dhaliisha u ogaato, waa nasiib darro qof aan adiga kula hadlin ama baraha bulshada ra’yigiisa ka cabiray in la xiro”.

Maamulka Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa si weyn dadku ay ugu dhaliilayaan inuu caburin xoog leh saaray siyaasiyiinta degaannadaasi ku sugan iyo saxaafadda xorta ah.

Goobjoog News