U bood dhigaalka

Xildhibaan Xuseen Sheekh “Dowladda Ha Baarto Shacabka La Laayay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan shacabka Soomaaliyeed ee shalay lagu laayay deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose.

Xildhibaanka oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in shacab Soomaaliyeed la laayo, muhiimna ay tahay in baaritaan dhab ah la sameeyo.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in waajib ka saaran yahay iney baarrto dadkaasi la laayay, sidoo kalena lala yimaado isla xisaabtan dhab ah.

“Dowladda ha baarto shacabka la laayay, haloo hogaansamo ammar madaxweynaha ee ah in baaritaan dhab ah la sameeyo… hadal kan ugu adag ayaan ku cambaareynayaa shacabka la laayay” ayuu yiri xildhibaanka.

10 qof oo shacab ah, caruurna ay ku jiraan ayaa shalay waxaa duleedka deegaanka Bariire ee Shabellaha Hoose ku diley ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo la sheegay iney la socdeen kuwo ajaaniib ah.

Goobjoog News