U bood dhigaalka

Xildhibaan Yacquub “Xildhibaanno Iyo Siyaasiyiin Dano Siyaasadeed Leh Baa Bakool Qas Ka Wada”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo la hadlayay Idaacadda Goobjoog waxa uu sheegay in xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku sugan deegaanno ka mid ah gobalka Bakool ay dano gaar ah ka leeyihiin dadka ku dhaqan gobalkaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadku ku qanacsan yihiin maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo madaxda dalka ka dalbaday in lala xisaabtamo xildhibaanada wada maamulka loo sameeyay deegaanno ka mid ah gobalka Bakool.

Waxa uu sheegay in xildhibaanadaasi ay jabiyeen Dastuurka KMG ee dalka u yaallo, isaga oo sheegay in Degmooyinka maamulka looga dhawaaqay ay yihiin dadka deggan kuwo raba Koonfur Galbeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xildhibaanka looguma tala gelin in uu tago meel aan cabasho kasoo yeerin, inuu dadka buuq ku abuuro isaga oo ka faa’ideysanaya arrimo siyaasadeed, xildhibaanadaasi shaqo kuma lahan meesha ay joogaan, waxaan leenahay Sanad iyo bilooyin bay haystaan maamulka Koonfur Galbeed, weyna ka mid yihiin dadka halkaasi deggan hadii ay ahaan lahayd heer Baarlamaan iyo heer wasiir” ayuu yiri xildhibaanka.

Shalay ayaa degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool waxaa looga dhawaaqay maamul loogu magac daray Bakool Sare, kaasi oo ka kooban Seddax degmo.

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa kaalin ka qaatay in maamulkaan la sameeyo, kadib shir maalmo badan ka socday degmada Ceelbarde.

Goobjoog News