U bood dhigaalka

Xildhibaan Zakariye Maxamuud oo Ka Hadley Dhibaato uu Sheegay in Ciidamada Kenya ku Hayaan Soomaalida

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga hadlay duqeymo dhowr jeer dowladda Kenya ay ka geysatay gudaha dalka, taas oo waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo xurumo isgaarsiin.

Xildhibaanka oo Goobjoog News la hadlay ayaa mar kale ku celiyey in ciidamada dowladda Kenya laga saaro dalka, waxaana uu sheegay in dowladaha dalka la dariska aysan marnaba rabin xasiloonida iyo deganaanshiyaha umadda Soomaaliyeed, waxaana uu ka warbixiyey halkii uu ku dambeeyey mowshin ay horay uga gudbiyeen tacadiyada Kenya ay kula kacdo shacabka degan gobalada Gedo iyo Jubbooyinka.

“Mooshinka aniga ayaa geeyey xildhibaanno kale ayaa saxiixay baarlamaanka ayaa mashquul noqday oo sharciyo ayaa la saxiixayey, lakiin mowshinkaas waa yaallaa in ciidamada Kenya ay dalka ka baxaan, dowladaha safka hore sharci ayaa ka yaallo oo midowga Afrika ah, in aysan Soomaaliya gelin, haddii ciidamada Soomaaliya ku jira ay qatar galaan in hub iyo wax nuucaas ah ay siiyaan waxa looga baqaayo ayaa ah in Soomaaliya ay dano gaarka ay ka leeyihiin aysan rabinna in ay degto” ayuu xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Sakariye oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Kenya Soomaaliya ay ula dagaalameyso dhan weliba dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan, isaga oo xusay in dadka reer miyiga ah ay barakicisay xoolahooda ay si joogto ah u leyso waxaana uu yiri.

“Dad leyn, xoolo leyn iyo guryo dumin ayey wadaa la dagaalanka dhaqaalaha gobalada iyada xiga ,dadka miyiga ah iyo kuwa tuulooyinka degan waa ay barakisay, nolosha dalka kasta waa kaalinta reer miyigiisa kuwa xoolaha dhaqda iyo beeraleyda, ujeedkeedu waa Soomaalidu magaalada haku uruurto oo nolol kale aysan helin, magaalo waxba kama soo baxaan oo xoolo lagama maalo beerana laga falo, dadka magaalada baadiyaha iyo tuulooyinka ayey ku nool yihiin waxa ka soo baxa, Kenya waxaa ay leedahay Istiraatiijid fog ilaa iyo hadda waan fahmi la’ nahay”.

Dhanka kale Xildhinaan Sakariye Maxamuud Xaaji ayaa si kulul uga hadlay duqeyn diyaaradaha dowladda Kenya habeenimadii xalay ka geysteen degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, isaga oo tilaamay in arrintaas ay tahay arrin qatar ah uguna baaqay shacabka iyo dowladda Soomaaliya in talaabo ay qaadaan.

” Xalay waxaa ay duqeysay Ceelwaaq, ma ciidamo ayaa joogo, ma dad cadow ku ah ayaa jooga dad Soomaaliyeed oo guryohooda joogo ayey ahaayeen, arrintaan waa qatar waana wax mamnuuc ka ah caalamka, marar hore dowladdu waa ay ka hadashay arrintaan UN-ka waa looga hadlay, waxaa loo baahan yahay abaabul gudaha ah oo in Kenya la iska dhiciyo ah” ayuu yiri xilshibaan Sakariye Maxamuud Xaaji.

Ugu dambeyn Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gabtay kaalintii kaga aadaneyn in ay ogaato waxa ka dhacaayo xuduudaha dalka iyo shacabka marwaliba la kulmo tacadiyada kala duwan ay geystaan ciidama Kenya waxaana hadalkiisa ka mid ahaa xildhibaanka.

” Dowladdu waxaa ay gabtay shaqadii loo idmaday oo aheyd in ay ogaato ayna difaacdo xuduudaha dalka shacabka dhulkaas degan waxaa loo baahan yahay in la abaabulo oo la iska dhiciyo oo xadkeena aysan soo gelin mar dambe awal ayaa dhul hore ku maqnaa , dadka ku nool NFD maalin weliba inta inta caruurtooda suuqyada laga wado ayaa howdka lagu dilaa oo meydkooda laga helaa kuwaas lanfooda ayaa hiil u baahan, haddii aan Kenya la iska dhicin Soomaali waa ay ka shalaayn doontaa”.

Goobjoog News