U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Bilaabay Ka Doodista Miisaaniyadda 2015 (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

XildhibaanGudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xildhibaanada Baarlamaanka waxa ay u akhriyeen miisaaniyad sanadeedka 2015 ee dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Guddig Maalliyadda ee Barlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Suleymaan  Maxamed Sheekh Daahir ayaa hadal ka jeediyay kulanka Baarlamaanka, waxaana uu sharaxaad ka bixiyay miisaniyadda Sanadka 2015 ee dowladda Federaalka.

Waxa uu tilmaamay in dib u eegis ay ka gudi ahaan ku sameeyeen, islamarkaana waxyaabo badan dib loo bedalay, isaga oo sidoo kale tilmaamay in marka dib loo eegayo Miisaaniyadda ay u baahan tahay waqti badan.

Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aragtidooda ku aadan miisaniyadaan dhiibtay, waxaana qaarkood ay sheegeen in waxyaabo badan miisaaniyadda ay ka qaldan yihiin.

Xildhibaanada qaar ayaa ku doodaya mushaaraad ka maqnaa ilaa mudadii KMG ahyed oo aan wali lagu soo darin Miisaaniyadda.

Ugu dambeyn Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabadalla Cawad oo shir gudoominaayay kulanka baarlamaanka ayaa sheegay in maalinta barrito ah laga doonayo baarlamaanka in ay horyimaadaan Siihayaha xilka wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo agaasimaha wasaaradaasi si wax looga su’aalo miisaaniyadda sanadka 2015.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News