U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Dhageysan Doona Warbixin Ay Ka Sugayeen Guddigooda Warfaafinta

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Sabti ah, xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan waxa ay ku leeyihiin Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo arimo badan looga hadli doono.

Xildhibaanada ayaa maanta waxa ay dhageysan doonaan hindise shareciyeedka Isgaarsiinta, kaasi oo xildhibaanada horay loogu qeybiyay, iyadoo guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka ay sharcigaasi gacanta ku hayeen islamarkaana dib u habeyn ku sameeyeen.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa Goobjoog News waxa uu sheegay in kulankaan sidoo kale maanta Akhrinta Koowaad uu mari doono sharciga ku saabsan dhaqidda Lacagta.

“Maanta oo Sabti ah waxaa jira kulanka baarlamaanka, ajendayaasha waxaa ugu muhiimsan sida aad ka warqabtaan golaha waxaa horay loogu qeybiyay warbixin ay soo diyaariyeen guddiga warfaafinta Baarlamaanka oo gudoomiye ka yahay Cabdi Xaashi, maanta ayaa lasoo hor dhigi doonaa waxyaabaha isbedalka kusoo sameeyeen, tan Labaad waxa ay tahay Akhrinta Koowaad oo uu mari doono sharciga ku saabsan Dhaqidda Lacagta, golaha waxa uu ku hormari doonaan dhageysiga Hindise harciyeedka ku saabsan Isgaarsiinta, waayo waxaa horay loogu qeybiyay kulankii 21-aad ee Kala fadhigaan Lixaad, si loo dhageysto waxyaabihii wax ka bedalka lagu sameeyay, ama waxyaabihii ay guddiga kusoo dareen” ayuu yiri xildhibaanka.

Ammaanka wadooyinka gala xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan ciidamada ammaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News