U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta La Horgeynayo Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan waxa ay ku yeelan doonaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo la horgeynayo Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Argagaxisada.

Hindise Sharciyeedkaan ayaa mari doona akhrintiisa Koowaad, iyadoo xildhibaanadana ay ka doodi doonaan.

Waxaa la filayaa in sharcigaan uu ka hor akhriyo xildhibaanada baarlamaanka wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdirsaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka ayaa sidoo kale xildhibaanada sharaxaad ka siin doona halka uu marayo amniga guud ee dalka, iyo sidoo kale goobaha dhawaan ay ciidamada dowladda kala wareegeen Al-shabaab.

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u meel mariyay sharciga la dagaalanka Argagaxisada.

Goobjoog News