U bood dhigaalka

Xildhibaanada Gobollada Waqooyi Qaarkood oo Sheegay iney Ka Qeyb Qaadanayaan Hanaanka Doorasho ee 2016  

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag iyo Degmada Buuhoodle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay iney ka soo horjeedaan diidmada  siyaasiyiinta ka soo jeedda gobollada waqooyiga qaarkood ay ku diideen ka qeyb qaadashada hanaanka doorasho ee 2016.

Xubnaha oo shirka jaraa’id ku lafa guray war-murtiyeedkii shirkii madasha ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa waxay soo dhaweeyeen qodobadii ka soo baxay shirka, waxayna ku baaqeen oo ay ku taliyeen in iyaga iyo xubnaha kale ee reer waqooyiga ah ay si cadaad ah u qeybsadaan xubnaha aqalka sare, kana wada qeyb qaataan doorashada si aan wakhti kale u lumin. Arrintan ayaa noqoneysa kala duwanaanshiyo dhanka fikirka ah oo soo kala dhex galay siyaasiyiinta reer waqooyiga oo qaarkood ay diidan yihiin iney ka qeyb qaataan doorashada dadban inta laga saxayo kuraasta aqalka sare ee ay dhaliilsan yihiin.

Xildhibaan Mahdi Cali Cusmaan oo ka mid ahaa xubnihii shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay ; ” Xildhibaanadeenan ka soo jeeda beelaha waqooyi, gobolada bariga Sool iyo Sanaag iyo degmada Buuhoodle,  waxaan meesha u nimid inaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynno kuraasta loo qoondeeyay beelaha waqooyi waxaa lagu qoondeeyay maamul ee looma qoondeyn qaab beeleed, waxaan ka mid nahay beelaha dega gobollada waqooyi, waxaanu diyaar u nahay qeybtayadii aanu ka helnay inaanu qaadanno, maamulkii Somaliland ee kuraasta u qeybin lahaa beelaha ma joogo, xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta halkan joogaana nin walbaaba beeshiisa ayuu matalaa, kuraastii aan aqalka sare ku lahayn waxaanu cadeynaynaa inaan cidna marti uga ahayn, beelahayagana aan annagu u soo xulan doonno, kana qeyb galeyno hannaanka doorashada ee socda intaas ayaanu rabnaa inaanu caddeynno.”

Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed dhawaan ku qabtay magaalada Muqdsho shir jaraa’id kana soo jeeda gobollada waqooyi ayaa sheegay inaanay ka qeyb qaadaneyn hannaanka doorasho ee 2016 inta laga saxayo qodobka ay dhaliilsan yihiin ee saami-qeybisga aqalka sare ee baarlamaanka dalka.

Goobjoog News