U bood dhigaalka

Xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo rajo ka muujiyay in la xaliyo khilaafka Baarlamaanka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

XildhibaanadaXildhibaanada ka soo horjeeday Mooshinkii laga gudbiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wada tashiga uu ku baaqay Madaxweynaha lagu soo Afmeero khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Fadhaye oo ka mid ah Xubnaha ka soo horjeeda Mooshinkaasi ayaa sheegay isagoo u waramayay Goobjoog FM in ay socdaan dadaallo loogu diyaar garoobayo kulanka wada tashiga ah ee uu ku baaqay Madaxweynaha, kaasi oo uu Xildhibaanku sheegay in uu xal u yahay Is qab qabsigii ka dhex taagnaa Mudaneyaasha Golaha.

Waxa uu intaasi raaciyay in dhakooda ay diyaariyeen shaqsiyaadkii u matalayay wada tashiga xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in si isku mid ah looga wada shaqeeyo xal ka gaarista Xiisadaha Siyaasadeed ee ka dhex jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa socda dadaalo xoogan oo lagu doonayo in lagu soo afmeero xiisad siyaasadeedka ka dhex taagan xildhibaanada Baarlamaanka, ka dib markii lagu kala qeybsamay mooshin laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News