U bood dhigaalka

Xildhibaanada Maamulka Jubbaland Oo Ka Hadlay Mooshinkii Dhawaan Laga Gudbiyay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay mooshin dhawaan ay ka gudbiyeen xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaashaan oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin mooshinkaasi oo ay sheegeen in iyagu wax shaqo ah ku lahayn, maadaama markoodii hore aanay soo dooran xildhibaanada Soomaaliya.

Qaarkood Xildhibaanada Jubba ayaa sheegay in maamulka Jubbaland Baarlamaankiisa ama golaha fulinta ee maamulkaasi aanay hoos tagin Baarlamaanka Soomaaliya, iyaguna meesha ay ku joogaan rabitaan shacab.

Ugu dambeyn ayeey ugu baaqeen gudoonka sare ee Baarlamaanka in aanu isku mashquulin mooshinkan oo ay tilmaameen inay keeneen rag ay ku sheegeen qaswadayaal doonaya in Soomaaliya aanu horumar gaarin.

Goobjoog News