U bood dhigaalka

Xildhibaanada Maxay Ka Yiraahdeen Mooshinka Jubbaland ?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxa uu maanta guddoonka baarlamaanka iclaamiyey in loo codeeyey mooshinkii ka dhanka ahaa golahha wakiilada Jubbaland, iyada oo natiijada ay noqotey in 132 xildhibaan ay u codeeyeen in golahaasi uu yahay mid sharci darro ah.

Hadaba xildhibaanada qaarkood ayaa warbaahinta la hadlay markii uu dhamaaday kulanka, waxaana ka mid ahaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo hormuud ka ahaa mooshinka, una ololeynayay.

“Mooshin aad u adag, illaahbaa mahad leh, xildhibaanada Soomaaliyeed ay ku kala aragti duwanaayeen, oo runtii aan ku saxaynay shuruucda dalka u taala oo lagu xad gudbey ayaa lagu guuleystey, oo si caddaalada ah oo daacadnimo ah xildhibaanada Soomaaliyeed ay ugu codeeyeen” ayuu yiri Jeesoow.

Wuxuu kale oo uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu mooshinka sharciyeynayo “Labo qodob ayuu quseeyey mooshinka, koow waa in baarlamaankii Jubbaland uu yahay mid xaaraam ah oo isagu degmooyin aanan jirin meesha lagu xisaabsaday, iyo qodobka labaad oo ah in heshiiskii Addis Ababa sidii uu dhigayay Axmed Madoobe aanan la oran karin madaxweyne, waxaana loogu yeerayaa hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba illaa 27-ka Agoosto, kadibna xiligaasi la dhiso maamul sida kan Cadaado shirkiisa lagu hayo oo kale, haddii taasi ay dhici weysana markaasi uu baarlamaanka talaabo kale ka qaado oo goboladaasi lagu daro gobolo kale” .

Xildhibaan Cabdirishiid Xiddig oo sidoo kale ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo hadlay ayaa yiri “Waxaad ogeydeen maanta markii ay saacadda ahayd 10kii subaxnimo in uu guddoomiyaha yiri in uusan kooramka dhameyn, islamarkaasina markii ay ahayd 11-kii uu mar labaad kusoo laabtay uu sheegey in aanu kooramka dhameyn, baarlamaanka la xiro, si xildhibaanada maqana liiska la qoro, markii dambe oo kooxdii barnaamijka wadatay ay dib isu abaabuleen waxaad ogtihiin in ay noqdeen 120 xildhibaan, markii dambana uu iyada oo 120 joogto uu yiri 132 ayaa codeysey, sidaasi darteed arrinta meeshani maanta ka dhacday waa mid mugdi badan ku jiro, waxay u baahantahay in dib loo eego, waxayna ahayd in la keeno qoraalkii ahaa in xukuumadda ay guddi saartay”.

Xildhibaan Cabdiladhiif Sanyare ayaa isna qaba in mooshinkani uusan ahayn mid sharci ah, isagoo ka hadlayana wuxuu ka yiri “Waxaan caddeynayaa in wixii maanta meesha ka dhacay ay xireen albaabkii baarlamaanka iyo mas’uuliyaddii uu shacabka u hayay, marka xigga Jubbaland waxaan leeyahay waxaad tihiin maamul dastuur ku dhismey, idinkaa la’idinka rabaa in aad shaqadiina wadataan, koow markii horaba mooshinka sharci ma ahayn, marka labaadna coddeynta sax ma ahayn, marka sedexaad maanta ajandaha kuma uusan jirin mooshinka Jubbaland aniga guddiga joogtada ayaan ka mid ahay”.

Mooshinka waxa uu soo jiitamayay muddo bil ku dhow, wuxuuna dib u dhacay illaa afar jeer oo hore, isaga oo dalka ka abuurey qalaanqal siyaasadeed.

Waxyaabaha kale ee uu albaabada u furey ayaa waxaa ka mid ah in iyana mooshin laga keeni doono baarlamaanada kale ee maamul goboleedyada dhismaya ay yeelan doonaan, taasi oo aanan dabcan farxad galin doonin dad hadda mooshinka gadaal ka riixayay.

Jubbaland ayaa horey ugu hanjabtay in ay jareyso xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka haddii baarlamaanka uu meelmariyo mooshinka la horgeeyey, laakiin iyada oo saacado laga joogo markii uu soo baxay go’aanka baarlamaanka ayaysan wali wax war ah kasoo bixin maamulka Jubbaland.

Goobjoog News