U bood dhigaalka

Xildhibaanada oo loo Akhriyay Sharciga Shaqaalaha Ajaanibta, Loona Ballamiyay Ka Doodista.

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka FederaalkaSoomaaliya  ayaa maanta ka dhageystay guddiga adeega bulshada ee baarlamaanka qodobadii ay wax ka badaleen ee la xiriiray sharciga shaqaalaha ajnabiga ah.

Guddiga ayaa  faahfaahin ka bixiyay  sharciga shaqaalaha ajaanibta iyo qodobadii ay ka badaleen,  habka tacaamulka iyo shaqaaleysiinta shaqaalaha ajaanibta.

Guddiga adeegga bulshada ayaa intaa raaciyay in qodobadan ay kusoo kordhiyeen ay yihiin kuwoo ku saleysan dastuurka Soomaaliya

Guddonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada u sheegayin Arabacada la bilaabayo ka doodista sharaciga shaqaalaha ajnabiga.

Akhrinta Koobaad ee  Hindise sharciyeedka shaqaalaha Ajaanibta waxaa ay dhacday Kulankii 11-naad ee kalfadhigan Lixaad.

Kulankii maanta Waxaa kaloo ajandaha ka mid ahaa qeybinta warbixinta guddi maaliyadda ee dakhliga iyo Qeybinta hindise sharciyeedka xeerka Saxaafadda.