U bood dhigaalka

Xildhibaanada oo Sharciga Argagixiso La Dagaalanka Ku Tilmaamay Mid Dastuurka Ka Taloowsan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si carro leh aragtidooda uga dhiibtey sharciga argagixiso la dagaalanka oo ay wasaaradda amniga gudaha horgeysey baarlamaanka si uu u maro akhrintiisa koowaad.

Kulanka 22-aad ee kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka federaalka ayaa waxaa kasoo qeybgalay 141 xildhibaan, waxaana golaha hortiisa sharciga ka hor akhriyey wasiirka amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sheegey in sharciga uu ka koobanyahay 36 qodob.

Wasiirka oo marka hore qeexaya waxa loola jeedo argagixiso ayaa yiri “ Argagixisada waa fal kasta oo lid ku ah nolosha dadka, hantida iyo nidaamka, loona fuliyey si aan kala sooc lahayn, oo ujeediduusa tahay in la wiiqo awoodda shacabka iyo qaranka, oo ay ku jiraan xaalad cabsi iyo walwal joogto ah, xuquuqdooda asaasiga ahna la duudsiiyo”.

Qodobada kale waxaa ka mid ah in qofkii taageera kooxaha loo aqoonsaday argagixiso lagu ciqaabi doono 5 sano oo xarig ah, kan hanti ku bixiyana lagu ciqaabi doono 10 sano oo xarig ah.

Qodobkase ugu daran ayaa ah in hantidiisa lala wareegi karo qofka lagu soo qabto falalkaasi, iyada oo sidoo kale ciidamada fasax loo siinayo in ay dhagaysan karaan taleefoonada iyo xiriirta isgaarsiineed ee uu qofka sameeyo, kadibna caddayn ah looga aqbali karo maxkamadda horteeda.

Markii xildhibaabada loo fasaxay in ay aragtidooda ka dhiibtaan ayaa xildhibaankii ugu horeeyey oo hadlay oo ahaa Xildhibaan Ciise Weheliye Maalinw waxa uu yiri “Sharcigan bataatanba waxa uu kasoo horjeedaa dastuurka, waxa uu xadgudub ku yahay xuquuqda aadanaha, waxaana la baalmarayaa shuruucda ciqaabta ee dalka u taala, waana wax la rabo in lagu cuburiyo madaxbanaanida shacabka”.

Ubax Tahliil oo iyaduna aragtideeda ka dhiibatay ayaa tiri “Sharcigan waa mid ummadda Soomaaliyeed lagu baabi’anayo, waxaan hadda ognahay in shacabka dhulkoodii la qaatay oo dan guud lagu qaatay balse shacab kale la siiyey, waxaan ognahay 71 qofood ayaa nabad suggida ku xiran, waxay ku xiranyihiina ma ogin, sharcigaan wasiirka dib ha ola noqdo, isagana shacabka ayuu ka mid yahay” .

Dhanka kale hey’adda xuquuqda aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa walwal xooggan ka muujisey sharcigani, kuna tilmaamtay mid xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha.

Cusmaaneey Daahir oo madax ka ah hey’adda ayaa Goobjoog News u sheegey in ay ka hor iman doonaan sharcigani, uusana ahayn mid danta dalka iyo dadkaba ay ku jirto.

Goobjoog News