U bood dhigaalka

Xildhibaanadii Mooshinka Keenay Oo Madaxweyne Xasan Ugu Baaqay Inuu Is Casilo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay Qaramada Midoobay, IGAD, Hay’adaha deeqda bixiya, qaar ka mid ah safaaradaha ku yaalla magaalada Muqdisho sida Ingiriiska iyo kuwo kale.

Kulankaan ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid wax looga weydiinayay xildhibaanadaan mooshinka ay ka keeneen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna dhageysanayeen fikradaha xildhibaanada.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ah afhayeenka xildhibaanada mooshinka keenay ayaa saxaafadda faah faahin ka siiyay kulamadaasi, waxaana uu sheegay in jawi wanaagsan uu kusoo dhamaaday.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in xubnaha ay la kulmeen u sheegeen in mooshinkaan aanu ahayn mid caqabad ku ah shaqooyinka dowladda, balse madaxweynaha u gaar yahay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in xukuumadda ay shaqadeeda aad u wadato, sidoo kalena baarlamaankana shaqadiisa wato, waxaana madaxweynaha uu ugu baaqay in uu is casilo.

“Dalka hadii uu qalalaasyo siyaasadeed galaayo cidda gelinaysa waa madaxweynaha, waan ugu nasteexeyneynaa inta kiiskaan aanu meel weyn tagin, xasanaada lagaa xayuubin, waxaan ku leenahay Madaxweyne is casil oo dheh, hadii baarlamaankii shalay I doortay iga horyimid oo I nacay istiqaaladii waan dhigay oo waataas, inkastoo rajo badan aan ka qabin in madaxweyne Afrikaan ah taasi uu sameeyo”

Dhinaca kale xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa mar uu soo hadal qaaday arrinta ku aadan xildhibaanno sheegay in ay ka laabteen mooshinka ayuu sheegay in aanay badneyn oo Hal mudane yahay, ayna ka xunyihiin isbedalka xildhibaankaasi uu sameeyay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xildhibaan Soomaaliyeed oo aan la qasbin, xoogna looga saxiixin fiyoobaa hadana maanta dhahay waan ka noqday waa damiir xumada Baarlamaanka haysta xilligaan, hadii xildhibaanada wada saxiixay ay dhahaan waan ka baxaynaa wax jiro malahan sharcigaasi waa gudbay, baarlamaanka horay ayuu u fariistay markii Laab laabashada mooshinada ay ay badatay, si baarlamaanka sumcadiisa loo badbaadiyo lana joojiyo mooshin la keeno ama laga baxo waxaa go’aan lagu gaaray in xildhibaanka aanu ka bixi karin mooshin uu saxiixay hadii ay guddoonka gacanta u gasho, kaliya waa xur marka codka loo qaadayo” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in mooshinkaasi ay ku guuleystaan.

Goobjoog News