U bood dhigaalka

Xildhibaannada 2-bada Aqal ee BF iyo Mas’uuliyiin Ka hadlay Dil Wadareedka Galkacyo

Sheeko:Amniga

Mas’uuliyiinka ka tirsan dowladda federaalka ah iyo xisbiyada ayaa ka hadlay dil wadareed xalay ka dhacay magaalada Galmkacyo.

Dadka ka hadlay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo yiri“Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba. Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso” .

Dhankooda, Sanetorrada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo shir jar’aaid ku qabtay xaruntooda ayaa ka tacsiyeeyey dil wadareedkii xalay ka dhacay Galkacyo, waxaa ay sidoo kale dalbadeen in cadaaladda la horkeeno dadkii falkaasi ka dambeeyey, waxaana horay si gaar ah uga hadlay Senetor Cabdiqeybdiid oo horay u soo noqday madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Mahad Salaad oo isna arrinkaas ka hadlay waxaa uu yiri “Waxaa sidoo kale canbaareynayaa falka foosha xun ee lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxaba galabsan ee hayb ahaan lala xariiriyay dilka sarkaalka. Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen. Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo. Samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Aamiin. Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Galmudug in ay arintaas tilaabo deg deg ah ka qaadaan. Sharciga la horkeeno dadkii xasuuqaas geystay iyo kuwiii dilay sarkaalkaba. Lana mariyo ciqaabta ay mudanyihiin.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi” Dhanka kale waxaan ka xunnahay isla markaana ka tacsiyaynayaa dilka foosha xun ee loo geystay dad ku noolaa magalaada Gaalkacyo, kaasoo u muuqda mid ka baxsan sharciga dalka iyo dhaqanka wada noolaashaha dadka Soomaaliyeed. Waxaan dawlad Goboleedka Galmudug ugu baaqayaa in ay dhacdadaan foosha xun jawaab lagu qanci karo ay ka bixiso, sharcigana la horkeeno ciddii ka danbaysa”.

Xildhibaan Saabir Shuuriye ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay “waxaa ah wax laga xumaado aadna u cambaaraynayaa falka xumaanta uu la egyahay darteed aan u la’ ahay eray aan u isticmaalo kaasoo ka baxsan Islaamnimo, Soomaalinimo iyo bani’aadanimadaba waxaan ku baaqayaa in sida ugu dhaqsida badan loo soo qabto loona keeno cadaaladda gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay lana marsiiyo ciqaabta ay mudan yihiin.Reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa in shaqsiyaadka abuuraya aragtida falalka argagaxisada loo aaneeyo cid gooni ah ay meel uga soo wada jeestaan gacan bir ahna isaga qabtaan, Arxan laawayaasha Shabaab waxay ka kooban “.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna ka yiri “Waxaan tacsi u dirayaa walaalihii xalay lagu laayay magaalada Galkacyo ayaga oo aan waxba galabsan.
Falkan wuxuu ceeb iyo canbaareyn ku yahey Galmudug oo dhan : Shacab iyo maamul. Dhaqanka nuucan ah maahan mid looga fadhiyay reer Galmudug.
Maamulka Galmudug waxaa la gudboon inuu ilaaliyo dadka hayb ahaanta loo beegsanaayo ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, cadaaladdana la hor keeno kuwii ka danbeeyay gumaadkaas. ولا تزر وازرة وزر أخري, Sharciga inaan gacmaheena ku qaaadanno marnaba sax ma ahan”.

Goobjoog News