U bood dhigaalka

Xildhibaannada BF Oo Farmaajo Ku Eedeeyey Ku Takri-fal Awood iyo in Xukuumaddu Gabtay Shaqadeeda

Sheeko:Baarlamaanka

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed xaalada uu dalka marayo, iyagoo soo hadal qaaday qaar ka mid ah qodobada dastuurka oo ay ku eedeeyeen in Madaxda dowladdu ay baalmareen, taasoo ay ku tilmaameen khiyaano Qaran.

War saxaafadeedka ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraadda looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn la saaray reer Jubbaland.
Halkaan ka Akhriso war-saxaafadeedka
Goobjoog News