U bood dhigaalka

Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka Jubbaland Oo La Dhaariyay

Sheeko:Baarlamaanka

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose waxaa Maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland,kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Waxaa goobjoog ka ah  Xafladda dhaarinta Baarlamanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland  Xildhibano ka tirsan  Labada Aqal, ee Baarlamanka federalka Soomaaliya ,Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland ,ee soo Xulay xildhibaannada,Dhamaan Guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ,Ururada Bulshada rayidka iyo aqoonyahanada  deegaannada Jubaland.

Intaasi kadib Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Jubbaland,sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Golaha Shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta.

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada Guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Afarta sana ee soo socota Maamuli doona Maamulka Jubbaland.

Goobjoog News