U bood dhigaalka

Xildhibaannada Cusub Oo Shahaado Lagu Guddoonsiin Doono 24 Saac Gudahood, Kuraasta Lagu Muran San Yahay Kuma Jiraan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Guddiga Federal ee Hirgalinta doorashooyinka dadban Cumar Maxamuud Cabdulle  oo shir  jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay 24 gudahood ay bixin doonaan shahaadooyinka xildhibaannada labada aqal.

Somaliland waxaa uu sheegay in ay diyaar yihiin 43 kursi  oo ka tirsan 46 kuraas ee laga doonayo maamulka Somaliland, doorashada labada aqal ee Somaliland waxaa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdisho.

Dhinacakale Guddoomiyaha Guddiga Federaalka ee Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday cabashooyin iyo dacwo lagasoo gudbiyay kuraas qaar ee xubnaha baaralamanaka ee la doortay, isagoo xusay in beri ay kulan la qaadan doonaan guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka, kuwaasi oo ay isla meel dhigi doonaan wixii cabasho ah ee jirta.

Goobjoog News