U bood dhigaalka

Xildhibaannada Federaalka Ee Puntland oo Ka Hadlay Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada baarlmaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda dowlad gobaleedka Puntland oo maanta Muqdisho kulan ku yeeshay, ayaa ka hadlay khilaafka dhanka waxbarashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland.

Xildhibaannada ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu wasiirka waxbarashada dowladda fedraalka uu siiyey warbaahinta, waxaana ay sheegeen in dowladda federaalka ah ay ku fashilantay in dowlad gobaleedyada ay kula shaqeyso wada hadal iskaashi iyo Isfahan.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa kulankooda ku xusay in nasiib darro ay tahay in arday Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada Puntland oo 12 fasal ku soo dhamaaday dhib iyo dhaaqaalo yari dalka ka jiro aaney helin taageero dowladeed in mustaqbalkooda mugdi la galiyo.

Xidhibaannada labada gole ee Baarlamaanka federaalka ayaa gaban gabadii kulankooda soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodo waxaana ay la wadaageen warbaahinta.

                                         War-muritiyeedka

1. Waxbarashada ardayda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin kuwa Puntland waa xaq dastuuriya oo lama taabtaan ah sida ku cad qodabka 30-aad ee Dastuurka Jamahuuriyadda federaalka ah , mana dhici karto in awooddii wasaaradda waxbarashada federaalka ay ku dhibaateeyaan waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ayaga oo awoodii si qalldan u isticmaalaya.

2. Sida uu sheegay wasiir Goodax majirto wasiiro iyo Senotero ka soo jeeda Puntland oo ka caalwaayey Puntland, laakiin xildhibaannada Puntland waxaa ay door fiican ka qaateen xal u helideeda ayagoo dhowr jeer oo kala duwan la kulmay wasiirka waxbarashada dowladda xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada Puntland, iyaga oo sameeyey dhexdhexaadin halkaas la isku soo dhawaaday, lakiin wasiir Goodax uu burburiyey howlihii dadaaladii socday oo xildhibaannada laba aqal ay ku jireen oo aheyd in arrintaan ay xal u helaan, sidoo kale xildhibaannada labada gole ma’oga mana maqal xubno xukuumadda federaalka ah oo u tagay Puntland.

3. Waxaan kula xisaabtamaynaa wasiir Goodax arrintaan uu sameeyey, annaga oo adeegsanayna awooda dastuuriga ah la xisaabtanka golayaasha sida ku cad farqada labaad xarafka B iyo C ee qodobka 69-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya .

4. Waxaan la kulmeynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka iyo Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo wasiirka u igmaday si uu ugu adeego ubadka Soomaaliyeed.

5. Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha waxaa ay mas’uuliyad ay ka saran tahay in dhacdadaan ay ka qaataan talaabo u qalanta ubaxaha Soomaaliyeed oo mooralkoodii iyo mustaqbakjoodii mugdi la galiyey.

6. Waxaan arday iyo waalidiinta u xaqiijineynaa in arrintaan ay wanaag ku soo dhamaaneyso, annaga oo kaashaneyno qof waliba oo wadaniyad iyo Soomaalinimo ku jirto.

7. Ugu dambeyn waxaan ku boorineynaa waalidiinta iyo ardayda uu dhibku gaaray in ay is dajiyaan jawaabna ay naga sugaan.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xildhibaannada laba gole ee BFS lagana soo doorto Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo muddooyinkii dambe uu soo ifbaxay khilaaf dhanka waxbarashada ah ee wasaaradaha federaalka iyo Punland.