U bood dhigaalka

Xildhibaannada Galmudug Oo Khudbado Ka Dhageysana Musharraxiinta Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa goor dhow waxay bilaabeen dhageysiga khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulkaasi.

Musharraxiinta ayaa xildhibaannada u akhrinaya barnaamijka ay doonayaan haddii ay guuleystaan iney ku hoggaamiyaan maamulkaasi.

Musharraxiinta hadlaya ayaa kala ah:

  1. Axmed Ducaale Geelle Xaaf
  2. Cabdikadir Maxamed Shirwac
  3. Axmed Shariif Hilowle

Saddexda bishan May, ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ay ka dhacdo magaalada cadaado ee gobolka Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News