U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Loo Ogolaaday In Ay Umadda Kula Hadlaan Goobo Badan

Sheeko:Baarlamaanka

Qoraal ka soo baxay golaha shacabka ayaa lagu ogolaaday in Xildhibaannada golaha ay war-saxaafadeed ku qaban karaan golaha umadda iyo xarunta guddoonka iyo guddiyada golaha shacabka ee Villa Hargeisa.

Xildhibaannada ayaa ka hadli kara:

  1. Go’aannada iyo Warmuriteedyada ka soo baxa golaha shacabka
  2. Go’aannada iyo Warmurtiyeedyada ay soo saaraan guddoonka golaha shacabka iyo guddiyada golaha shacabka

Hadaba, War-saxaafadeedka u gaarka ah Xildhibaanka asagoo ku cabiraya fikirkiisa siyaasiga ah ee gaarka ah waa in lagu qabtaa meelaha ka baxsan dhismaha golaha shacabka sida Hoteellada, dhismayaasha gaarka loo leeyahay ama goobaha dadweynaha.

Goobjoog News