U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Maalintii Labaad Ka Doodaya Amniga Muqdisho

Sheeko:Amniga

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda Saddexaad ee Kalfadhiga Afaraad waxay maanta kaga hadli doonaan arrimaha ammaanka magaalada Muqdisho.

Kulankoodii shalay ayeey xildhibaannada waxay si aad ah uga hadleen amniga caasimadda oo faraha kasii baxaya.

Maanta waxaa sii socon doona doodda amniga ee xildhibaannada golaha shacabka, waxaana la filayaa in xildhibaanno dhowr ah ay hadlaan.

Inta badan xildhibaanadii shalay hadlay waxay sheegeen in xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ku fashilantay wax ka qabashada amniga Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News