U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Maanta Dooranaya Guddoomiyahooda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay magaalada Muqdisho ku doortaan guddoomiyahooda.

Xilkan waxaa u taagan 11 musharrax oo si rasmi ah isku diiwaangeliyey, waxaana xubnahaasi ku jira wasiirro iska casilay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in doorashada maanta dhaceysa aanay joogi doonin kor joogayaasha beesha caalamka.

Xilkan waxaa 9-kii bishan iska casilay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo maanta la dooran doono shaqsigii isaga bedali lahaa.

Halkan Ka Akhriso, Magacyada Tartamayaasha oo Dhameystiran:

1.Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen

4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar

8- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan

9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

11-Xildhibaan Iimaan Cabdullahi Nuur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News