U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Maanta Su’aallo Weydiinaya Wasiirka Waxbarashada

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Isniin ah ayaa kulan ay xildhibaannada golaha shacabka ku leeyihiin magaalada Muqdisho waxay su’aallo ku weydiin doonaan wasiirka waxbarashada DFS, C/raxmaan Daahir.

Sabtidii ayeey xildhibaannada golaha shacabka dalbadeen in la horkeeno wasiirka si ay su’aallo u weydiiyaan.

Wasiirka ayaa waxa uu xildhibaannada u jeedin doonaan khudbad uu kaga hadlayo heerka waxbarashada ee dalka.

Isna waxay xildhibaannada su’aali doonaan qaabka ay wasaaradda waxbarashada u maareyso deeqaha waxbarasho ee dalalka dibadda ah laga helo.

Ammaanka xarunta golaha shacabka iyo waddooyinka gala xaruntaan ayaa aad loo adkeeyey.

Warkaan wixii kusoo kordha waxaad uga bogan doontaan wararkeena kale

Goobjoog News