U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Maanta u Codeynaya Sharci Muhiim Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ku yeeshaan xaruntooda kulankoodii caadiga ahaa.

Waxaa lagu wargeliyey xildhibaannada in kulankan uu jiro, islamarkaana ajendahiisu yahay u codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqa.

Inkastoo maalmihii ugu dambeeyey ay kulamada golaha shacabka u baaqanayeen kooram la’aan ayaa hadane waxaan la ogeyn in kulankan uu la mid noqon doono kuwii hore iyo in kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News