U bood dhigaalka

“Xildhibaannada Golaha Shacabka Waxba uma Qaban Shacabka Ay Matalaan” Waxaa Sidaa Yiri…

Sheeko:Baarlamaanka

Aqoonyahan Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya aanay waxbo u qaban shacabka ay matalaan.

Waxa uu sheegay in xildhibaannada looga baahnaa markii ay fasax galaan in ay deegaannadooda ku laabtaan, islamarkaana soo eegaan waxa ka jira halkaasi, ama ugu yaraan ay dadkooda wax u qabtaan.

Aqoonyahan Maxamed ayaa sheegay in la yaab ay tahay marka xildhibaannada fasaxa galaan badankooda ay dib ugu laabtaan Hoteello uu sheegay in magaalada Muqdisho ka deggan yihiin.

Nidaamka lagu soo xulo ee xildhibaannada ayuu sheegay inuu yahay midka dhibka ku haya umadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay in doorasho xalaal ah oo shacabka ka qeybqaataan la galo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News