U bood dhigaalka

Xildhibaannada Labada Aqal Oo Helay Casuumaadda Maalinta Dhaarinta

Sheeko:Dalka

Qaar ka tirsan Xildhibaannada labada aqal oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in ay heleen warqadda casuumaadda, laguna wargeliyay in Taaladada la dhaarin doono.

War Saxaafadeed ka soo baxay madasha bishan 25-keeda waxaa uu u qornaa sidan:

Munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

7.1 MHQ waxay go’aamisay in munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qabto maalinta talaadada 27 Diseembar 2016, taas oo ka dhici doonto Akademiyada Booliska Soomaaliyeed (Scuola Polizia).

Xildhibaannada ilaa iyo hadda la doortay guud ahaan waa 309, 11 ka mid ah waxaa la geliyay muran, lama oga inta la fasaxay iyo ay tahay in lagu celiyo.

Goobjoog News