U bood dhigaalka

Xildhibaannada Labada Aqal Oo Maanta Lagu Wado In Lagu Dhaariyo Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabadda dhaarinta xildhibaannada Labada aqal, kuwaasi oo dhowaan lasoo doortey.

25-kii bishan, qoraal kasoo baxay madasha hoggaanka qaran waxaa lagu go’aamiyey in 27-ka bishan oo ku beegan maanta oo Talaado ah iney dhacayso dhaarinta xildhibaananda Labada aqal.

Wadarta guud ee xildhibaannada Labada aqal waa 347, balse waxaa la doortey 304 mudane oo 11-kamid ah lalaalay in kastoo aan la ogeyn inta lasoo fasixi doono ee maanta dhaarta ka qeygali doona.

Maamullada iyo Sida ay Xildhibaannada la doortey uga kala yimaadeen:

Magaca Maamul Aqal Hoose Aqal Sare Wadarta
Puntland 37 11 48
K/galbeed 69 8 77
Somaliland La Doortey 34 Lama dooran 34
Jubbaland 43 8 51
Hirshabelle 37 8 45
Banaadir 5 0 5
Galmudug 36 8 44

 

Hadaba maanta ayaa la sugayaa in la dhaariyo xildhibaannada la doortey, iyadoo dhanka kale guddiga doorashada laga sugayo iney soo dhameystiraan doorashada xildhibaannada kale ee weli harsan.

Goobjoog News