U bood dhigaalka

Xildhibaannada Maqan Oo Loogu Baaqay In Ay Soo Xaroodaan

Sheeko:Dalka

Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka  Cbadiweli Sheikh Ibraahin Muudey ayaa ugu baaqay Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee maqan  in ay soo xaroodaan

Cabdiweli Sheikh Muudeey oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in looga baahanyahay xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku maqan safarada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo xaroodaan waxaa uuna yiri.

“Waxaan u yeerayaa Xildhibaannada Baarlamaanka ee maqan meel fog iyo meel dhow oo ay joogaan si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah “.

Waxaa jira weli khilaafka u dhaxeeya xildhibaannda golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,  kuwaas oo qaar ka mid ah ay Mooshin ka wadaan guddoomiye Jawaari.

Goobjoog News