U bood dhigaalka

Xildhibaannada Oo Ku Qulqulaya Xarunta Doorashada

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xubnaha ka socda beesha caalamka iyo marti sharafta kale ayaa haatan waxay ku qulqulayaan xarunta doorashada madaxweynaha oo ku dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goor dhow ayaa la filayaa in doorashada ay bilaabato, iyadoo sidoo kale howlka doorashada ay gaareen musharraxiinta madaxweyne.

22 musharrax ayaa la filayaa iney ku tartamaan xilka madaxweynaha haddii aanu jirin tanaasul ay sameeyaan qaar kamid ah musharraxiinta.

Ammaanka guud ee halka doorashada ay ka dhaceyso ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo guud ahaan Muqdisho lagu soo daadiyey ciidamo amniga suga.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News