U bood dhigaalka

Xildhibaannada Puntland Oo Su’aallo Weydiiyey Madaxweynahooda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta su’aallo kala duwan weydiiyey madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Su’aalaha la weydiiyey madaxweyne Gaas ayaa la xiriiray arrimaha ammaanka, horumarka iyo sidoo kale arrimo horey uu Gaas u ballanqaadey balse weli aanu fulin.

Xildhibaannada qaar ayaa Gaas waxay su’aaleen sababta uu illaa iyo iminka u tagi la yahay magaalada Gaalkacyo oo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya maamulka Puntland iyo Galmudug, iyo sidoo kale waxa ku kallifey inuu safar u baxo iyadoo xaalado adag ay ka jirtay deegannada maamulkaasi ka taliyo.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey C/weli Gaas arrinta ku aadan abaaraha ka jira deegaannada Puntland oo illaa iyo haatan sidii loogu talogalay loogu gurman dadkaasi.

Xildhibaannada ayaa su’aalaha ay intooda badan ka wada sinnaayeen waxaa kamid ahaa arrinta ku aadan dagaallada Gaalkacyo, waxa Puntland u weeraradi la dahay Al-shabaab iyo sidoo kale fulinta balanqaadkii Gaas xilligii uu musharraxa ahaa ee ahayd inuu qabto magaalada Laascaanood.

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas oo su’aalahan ka jawaabayey wuxuu sheegay in ciidanka Puntland ay har iyo habeen u taagan yihiin iney sugaan amniga deegaannadooda, sidoo kalena aaney cidna uga hibeysan doonin iney is difaacaan.

Wuxuu tilmaamay in ay jiraan weeraro kala duwan oo Al-shabaab iyo Daacish kusoo qaadeen deegaannada Puntland, islamarkaana ka maamul ahaan ay arrintaasi jawaab degdeg ah ka bixiyeen.

Deegaannada Puntland waxaa ka jira marxalado kala duwan, deegaanno badan waxaa saameeyay abaar, halka kuwo kalena ay saameeyeen dagaallo.

Goobjoog News