U bood dhigaalka

Xildhibaannada Yaa Mooshin Iyaga Ka Keenaya?!

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddonka sare ee baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tiro ahaan xildhibaanadaan waxa ay ka badan yihiin 90 xildhibaan, sida ay inoo sheegeen qaarkood oo u waramay Goobjoog News.

Dhegaha shacabka Soomaaliyeed ma ahan wax ku cusub mooshin ay keenaan xildhibaanada baarlamaanka, laakiinse waa markii ugu horeysay oo ay maqlaan dadku mooshin laga keenay madaxweynaha oo u gudbay guudoonka baarlamaanka wixii ka dambeeyay markii KMG laga baxay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshinkii ugu horeeyay ee ay keenaan waxa ay ku rideen xukuumaddii uu hogaaminayay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid 21-kii November 2013.

Saacid waxaa xilka Ra’iisul wasaare loo magacaabay 4-tii November 2012, isaga oo nasiib u yeeshay in uu noqdo Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dowlad aan KMG ahayn.

Markii la ridayay Saacid waxaa jiray khilaaf ka dhaxeeyay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, hase ahaatee waxaa go’aanka loo daayay baarlamaanka, iyadoo xildhibaanno badan ay aad uga soo horjeedeen xukuumadii waqtigaasi jirtay.

Xildhibaanada u codeeyay in meesha uu ka baxo Saacid ayaa tiradoodu waxa ay ahayd 167 mudane.

Hadaba markii ay meesha ka baxday xukuumadii Saacid, waxaa madaxweynaha uu bilaabay soo xulista shaqsiga uu u arko in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub.

12-kii December 2013, waxaa hadane madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed oo  markii hore dadka falanqeeya siyaasadda ku tirinayeen inuu yahay shaqsi aad ugu wanaagsan howshaan loo dhiibay.

Hase ahaatee markii Cabdiweli uu shaqeeyay ku dhawaad Sanad waxaa durba soo if baxay khilaaf cusub oo keenay in Ra’iisul wasaaraha aanu Sanad toos ah si degan shaqadiisa ku dhameysan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwanaaday sii shaqeynta Ra’iisul wasaaraha, waxaana jiray khilaaf kala dhaxeeyay madaxweynaha, iyadoo maalmo badan aanu baarlamaanka shaqeysan, keentayna buuq iyo carqaladeyn lagu sameeyay kulamadii baarlamaanka.

Ugu dambeyn wada hadallo ka dib xildhibaanada waxa ay go’aan buuxda ku qaateen in lagu kala baxo codeynta, islamarkaana loo codeeyo mooshin laga geeyay Cabdiweli Sheekh Axmed.

December 6 -keedii 2014, xildhibaanada waxa ay u codeeyeen mooshinka laga keenay Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana loo codeeyay in meesha uu ka baxo, iyadoo ay codeeyeen xildhibaanno gaaraya 153 mudane.

Mooshinkaasi ayaa noqday midkii Labaad misane Laba Sano gudahooda lagu rido Laba Ra’iisul Wasaare.

Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa la’is tusay in aanu imaan doonin khilaaf dambe oo dowladda ah, iyadoo December 17-keedii 2014 uu madaxweyne Xasan Sheekh uu soo magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa Seddaxaad, kaasi oo noqday midka haatan talada haya ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

MAXAA XIGAY

Baarlamaanka Soomaaliya mudadii uu soo shaqeeyay waxaa looga fadhiyay in uu qabto shaqooyin aad u badan, meel mariyaana sharciyo muhiim u ah dalka, kahor 2016-ka.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in baarlamaanka mudadii ugu dambeysay ay shaqadiisa wax badan ka dhinnaayeen, haba ugu darnaatee kala fadhigaan lagu jiro ee Lixaad, kaas oo weli wax sharci ah aan la meel marin, intii ay ka shaqeeyeenna ay aad u yareed.

Xildhibaano tiradooda ku sheegay 91 ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo u muuqata hadii meesha ay horay uga saareen Laba Ra’iisul wasaare ay markaan kusoo foorarsatay Madaxweynaha.

HIIGSIGA 2016

Markii laga baxay KMG, waxaa la sheegay in la hiigsanayo 2016-ka, dalkaana ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse dhawaan dowladda waxa ay sheegtay in marnaba aysan dhici karin.

Beesha caalamka waxa ay isha ku haysaa sida waqtigaasi loo fuliyo wax walba oo lagu balamay, hase ahaatee waxaa hadda muuqanaya mar hadii aysan dadka qof ka qof u codeynayn in hadana arrin kale oo ay meesha timid.

Mooshinkaan ayaa laga walwalsan yahay inuu keeno khilaaf cusub iyo iskadaba jiitan, sidoo kalena ay meesha ka baxdo in ugu yaraan xitaa dalka ay doorasho ka dhacdo.

Sababta loogu maleen karo in mooshinkaan uu isbedal ugu keenno doorashooyinkii dhici lahaa ayaa ah, in baarlamaanka uu aad ugu mashquullo arrintaan ayna keento sharciyadii meel marint u baahnaa kahor 2016 in aysan suurta gelin.

Caalamka waxa uu ka fekerayaa in marnaba aysan dhicin dowladdaan hadda jirta oo muddo ku darsata, wax walbana lagu dhameeyo sida loogu balamay.

SAAMEYNTA

Hadii dowladi ay isku mashquusho, kana gaabiso shaqooyinka u yaalla, waxaa inta badan aan laga weynin dad, dal ama dowlad ka faa’ideysata khilaafyadaasi.

Tusaale hadda maxkamadda ICG waxaa yaalla dacwad badeed u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana hosha dacwadaasi ay u baahan tahay ka war hayn mar walba ah iyo sidoo kale in qarash lagu bixiyo dadka howlahaasi wado si aysan dabacsanaan u imaan.

Balse markii uu yimaado mashquul waxaa muuqan doonta in waxyaabo badan oo dalka oo dhan dan u ahaa la iloobi doono, sidoo kalena ay dhici doonto in waxyaabo badan laga faa’ideysto.

SHACABKA MA FARAXSANA

Micnuhu ma ahan in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo cid gaar ah daneynaya, balse waxa ay mar walba ku hamiyaan sida ay ku heli lahaayeen dowladda dalka gaarsiisa heer sare, dib usoo celisa kala dambeyntii iyo nabadii dalka lagu yaqaannay.

Waxay ku jahwareereen dowlado badan oo dalka loo dhisay wixii ka dambeyay burburkii dowladii dhexe, iyaga oo mid walba midda ka dambeysay rajo wanaagsan ka qabay in isbedal ay la timaado.

Dowlad walba markii ay timaado waxaa ku badan is qabqabsiga iyo sidoo kale mooshinada aan tirada yareen, sidaa darteedna shacabka kuma farxaan.

Dadkii waxa ay doonayeen dib u dhis ballaraan, wadooyinka dalka oo isku furma, amniga oo la xasiliyo, inay helaan waxbarasho, caafimaad lacag la’aan ah.

Tani micnaheedu waxay ka dhigan tahay hadii aysan shacabkii faraxsaneyn in dad kale oo Soomaaliya daneeya iyana aanay faraxsaneyn.

GUNAANAD

Shacabka Soomaaliyeed, waxay isweydiinayaan Su’aalo badan oo ku saabsan waxa ay qabteen Baarlamaanka tan iyo markii la doortay 2012-kii? Waxay isweydiinayaan sababta ay mar walba Mooshin u keenaan? Ujeedada Mooshinada? Mooshinkan sow shaqada baarlamaanka dib uma dhigayo? Waxaa xusid mudan in Xildhibaanada Federaalka aanay meelmarin xitaa hal hindise sharciyadeed kalfadhigan 6-aad, Dhaliil badan ayaa loo hayaa Xildhibaanada, Hadana waa su’aale Yaa Iyaga Mooshin ka keeni kara?!

Goobjoog News