U bood dhigaalka

Xildhibaannadii Lagu Doortay Ceelwaaq oo Muqdisho Lagu Dhaariyey.

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa goordhow Muqdisho ku dhaariyey xildhibannadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaanata tira xildhibaannadu ay gaaraysaa 16 mudane.

Madasha lagu dhaariyay xildhibaannada ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee Baarlamaanka Federalka  Cabdikariim Cabdi Buux.

Xidhibaannadaan 16-ka ah ayaa waxaa lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo deegaan doorashada labaada ee Jubbaland, kadib markii qoraal kasoo baxay FEIT looga wareejiyay Garbahaareey.

Dhaarinta xildhibaannada ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo maalin  ay naga xigto doorashada guddoonka golaha shacabka oo lagu wado in ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

May be an image of 1 person

May be an image of 10 people and people standing

May be an image of 9 people, people sitting and people standing

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 6 people and people standing

May be an image of 6 people and people standing

Goobjoog News