U bood dhigaalka

67 xildhibaan Oo Mooshin Geeyay Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa baarlamaanka horgeeyay maalinimadii shalay mooshin ay doonayaan in lagu ansixiyo 5-xubnood oo doorashadooda horey loo laalay.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo hadal jeedin ka sameeyay shirkii Baarlamaanka ee shalay ayaa ka hadlay in xildhibaanno gaaraya 67 xildhibaan ay mooshin horgeeyeen xubnaha golaha shacabka, waxa uuna yiri:

“Shirkii shalay anagoo xildhibaanno 67-ah waxaan soo gudbinnay soo jeedin guddoonka iyo xafiiska aan u soo gudbinnay, soo jeedintii maanta ajandaha kuma arag, waan weydiisannay waxay noo sheegeen in guddoonku ay ku talal jiraan in ay arrintaa soo bandhigaan guddi farsamo loo bixiyo”.

Waxa uu ka hadlay sababta ay mooshinka ka dambeysay:

“Waxaan rabaa inaan baarlamaanka u soo jeediyo arrinka aan mooshinka u keennay process-kii doorashada waan lasoo maray waa soo dhamaaday midka aan halkan u fadhinno weeyaan waxna waa dhiman yihiin, waxna waa tii dad la celiyay xildhibaanno doorashooyinkii soo maray si kastaba ha noqotee, guddigii waxay soo saareen tiro 5-xildhibaan ah oo kuwii soo baxay ah ayaa dib loo celiyay, 5 xildhibaan waxay u badan yihiin dad la wada yaqaan oo process-ka si wanaagsan u soo maray intaan ognahay, waxaan ka waramaayaan K.Galbeed kuwii soo maray khaasatan baan u oganahay waan joognay doorashaan isla galnay, sheikh Shaacir baa ka mid ahaa sheekii Qur’aanka Baarlamaanka ka akhrinaayay”.

Xildhibaan Ibraahim waxa uu baarlamaanka u soo jeediyay in xubnaha la laayay ay meelmariyaan oo la fasaxo si aan dadk qoorta la iskugu galin:-

“Baarlamaanka inaan u soo jeedinno iyadoo aan cidna wax loo dhimeyn oo aan diidanaynana hab iyo process-ka wax lagu xallinayo, hadana in baarlamaanku uu go’aan ka gaaro 5-xildhibaan maadama ay halkaa soo gaareen in la fasaxo, inaan dadka qoorta la isku gelin oo Baarlamaanka ayaa go’aan ka gaaray in la yiraahdo ayaan rabnaa”.

Halkan Guji si aad u akhrisato xubnaha 5-ta ah ee ay laaleen golaha madasha wadatashiga qaran, beesha caalamka iyo guddiyada doorashada dadban ee 2016.

Goobjoog News