U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Beeniyay In Amni Darro Ay Ka Jirto Magaalada Jowhar

Sheeko:Amniga

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadlay nabadgalyada magaalada Jowhar.

Iyadoo kal hore ay soo baxayeen warar sheegaya in  magaalada Jowhar ammaan la isku halleyn karo uusan ka jirin ayaa waxay sheegeen in arrintaasi aynaan waxba ka jirin.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Coloow ayaa sheegay in ammaanka magaalada Jowhar uu wanaagsan yahay wax dhibaato ahna aynaan ka jirin.

Waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in aan la isku darin, amniga magaalada iyo xaaladda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar waa laba arrin oo aan shaqo isku lahayn ayuu yiri.

Dhanka kale, xildhibaan Axmed Cumar Gaaboow oo isna gollaha wakiillada Hirshabeelle ka tirsan ayaa sheegay in wax amni xumo ah oo Jowhar ka jirto aynaan jirin.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda magaalada Jowhar oo  caasimad u ah Hirshabeelle ay wanaagsan tahay.

Halkani Ka Dhageyso Xildhibaan Coloow:

Halkan Ka Dhageyso Xildhibaan Gaaboow: