U bood dhigaalka

Xildhibaanno Iyo Siyaasiyiin Ku Baaqay In Lasoo Dhiso Xukuumad Cusub (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah Axsaabta siyaasadda ee dalka  iyo xildhibaanno ayaa sheegay in xukuumad cusub loo bahanyahay xilligan kadib shir ay ku yeeshay Magaaladda nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan ka dhacay magaalada Nairobi waxaa kasoo muuqday siyaasiyiin inta badan aan la dhacsaneyn siyaasadda madaxda ugu sarreysa dalka, kuwaas oo muujinayey in waxba aan laga qaban balamadii Madaxweynaha uu sheegay intii ololaha lagu jiray.

Dalka ayeey sheegeen in meel adag uu xaalad ahaan marayo, sidaasi darteedna loo baahan yahay in lasoo dhiso xukuumad cusub, meeshana laga saaro tan Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, waxay sheegeen in Muqdisho maamulkeeda aan loo baahneyn inuu ahaado mid lasoo magacaabo ee loo baahan yahay maamul ay shacabka soo doortaan.

Halkaan hoose ka dhageyso bayaankii ay soo saareen:

Goobjoog News