U bood dhigaalka

Xildhibaanno Iyo Siyaasiyiin Ku Baaqay Wax Ka Qabashada Biyo La’aanta Ka Jirta Gobolka Hiiraan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Biyo la’aanta ka jirta deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan, kadib markii ay gureen Biyahii Wabiga Shabelle ee gobalkaasi marayey.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in biyo la’aanta ka jirta gobolka Hiiraan ay haatan mareyso meeshii ugu darneyd.

Kuleelka xilligaan jira ayuu sheegay in shacabkii sidoo kale ugu darsantay Biyo la’aan xooggan isaga oo ku baaqay in Hay’adaha samafalka ah ay u istaagaan sidii biyo dhaamin dadkaasi loogu sameyn lahaa.

Cabdiraxmaan Xuseen Caddow oo isna ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa waxa uu ku baaqay in shacabka gobolka Hiiraan lala soo gaaro Biyo dhaamin degdeg ah.

Dhanka caafimaadka ayuu sheegay in tani saameyn badan ku yeelan doonto maadaama xoolihii ay u dhimanayaan Biyo la’aanta, islamarkaana ay waddooyinka yaallaan.

Sare u kac ballaaran ayaa ku yimid qiimaha la kala siisto Biyaha ee deegaannada gobalka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne waxaa Fuustadii biyaha la iibiyaa 100 kun oo shilin Soomaali ah, waxaana jira dad aan awoodin in biyaha ay iibsadaan.

Goobjoog News