U bood dhigaalka

Xildhibaanno iyo Wasiirro ay Waxyeello kasoo Gaartay Qaraxii Hotel SYL

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Caasho Maxamuud Cumar ‘Caasho Koos’ oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana mid ahayd xildhibaanno waxyeello ka soo gaartay qaraxii maanta lala eegtay Hotel SYL ayaa noo xaqiijiyay iney jiraan dhaawacyo soo gaaray xildhibaanno iyo wasiirro ku sugnaa Gudaha Hotelka.

Xildhibaan Caasho oo aan la yeelanay wareysi gaar ah ayaa  waxa ay ka hadashay qaabka ay wax u dheceen, waxayna tiri;”Meeshaan ku shireynay qaraxa markaan maqalneyna waxaa nagu soo dumay meesha, wax dhib ah oo weyni nama gaarin laakiin firirikii baa nagu wada dhacay intayadii xildhibaanno ee meesha fadhiday, dadku dhiigbay wada lahaayeen sida ay wax u kala qabaanna ma kala aqaanno, wasiirraa nagu jiray xildhibaannaa nagu jiray, laakiin wax weyn qof ay gaadheen naguma jiro”.

Xildhibaanku waxay noo sheegtay sida ay iyada wax u soo gaareen iyo inta ay indheheeda ku aragtay ee mas’uuliyiin ah:

“Aniga muraayad ayaa wajiga igaga dhacday, wax dhib ah ma qabo waa anigaa kula hadlaya. Nuur faarax madaxay waxyar ka gaadheen wuuna nabad qabaa , Nuur, xildhibaan bishaaro, dhaamaantayo waan wada nabad qabnaa murayadahaa na gaadhay mooyaane”.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta Soomaliya “Maareeye” ayaa noo xaqiijiyay in xildhibaanadii dhaawacmay uu ku jiray xil.Sugulle, iyo wasiirka dekedaha Nuur Faarax iyo waliba wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga.

Weerar is miidaamin ah oo maanta lagu qaaday Hotel SYL ayaa waxyeello kasoo gaartay inta la xaqiijiyay dad 10 qof  ka badan, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo 30 qof ku dhawaad ah.

Goobjoog News