U bood dhigaalka

Xildhibaanno iyo Wasiirro Ka Hadlay Abaar Ka Jirta Gedo, Jubbaland

Sheeko:Dalka

Wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah burshada ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa si weyn uga deyriyay xaaladda abaaraha ka taagan gobalka Gedo iyo deegaanno dhaca dowlad gobaleedka Jubbaland.

Mas’uuliyiintaan ayaana baaq u diray dowladda federaalka iyo beesha caalamka iyaga oo ugu baaqan si dhaqso ah loogu gurmado dad ay la dageen abaaraha sida weyn uga taagan xiligaan deegaanada Jubbaland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Tamarta, Macadanta iyo Bartoolka dowladda federaalaka Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo madasha ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland qaasatan gobbalka Gedo ay u baahan yihiin gar-gaar Bini’aadannimo maadama ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah” Waxa ugu horreeya ee loo bahaan yahay waxa ay tahay in dadkaan ay haysto abaarta foosha xun in lala gaaro biyo dhaamin si ay u noqoto dhiig joojin, waxaana sidoo kale baaq u dirayaa Jaaliyadda Soomaliyeed u ku dhaqan dalka dibaddiisa ee ka soo jeeda Gedo in gar-gaarkan ay qayb wayn ka qaataan” .

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim ayaa sidoo kale xusay  ka wasaarad ahaan gacan muuqata ay ka gaysan doonaan dhibaatada ka jirta Gobolka Gedo, gaar ahaan dadka ka soo barakacay guryahooda ee ku dhibaataysan deegaanno hoos taga Gedo.

“Dadkaan dhibaataysan waxay u baahan yihiin in qof kasta waxa uu awoodo in uu la soo gaaro, dadkan waxa haysata waxaa ka mid ah calool xanuun oo ceelashii biyahooda ayaa is baddalay”, ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Dhanka kale Daahir Carab oo ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in cod dheer ay ugu sheegayaan dowladda Soomaaliya in dadkaas ay la gaaraan gar-gaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamin, maadaama dadku ay dhibaato haysato dadka daga deegaannada uu ka kooban yahay Gedo.

Baaqaan maanta Muqdisho ay ka jeediyeen xubnahaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo deegaanno hos taga golaka Gedo ay taagan yihiin abaaro baahsan kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaas.

Goobjoog News