U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Deyriyey Xaaladda Nololeed Ee Dadka Ku Nool Bakool

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo socdaal ku maray deegaanno kamid ah gobolka Bakool ayaa ka deyriyey xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta gobolkaasi.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka, sidoo kalena kamid ah xildhibaannada socdaalka ku maraya Bakool ayaa isaga oo ku sugan degmada Xudur wuxuu tilmaamay iney la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu tilmaamay in waxyaabihii loo sheegay ugu muhiimsan tahay in adeegyo dowlad aysan soo gaarin halkaasi iyo sidoo kale dhanka amniga maadaama magaalada aysan ciidamo badan joogin.

“Baahida ugu daran waxay tahay in adeegyadii dowladda aanu soo gaarin halkaan, waxay kaloo inoo sheegeen dadka aan la kulannay iney jirto baahi dhanka ciidamada ah, maadaama magaalada hadda amni tahay, balse ciidamada sidii la rabay aanay u joogin” ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Degmada Xudur waxaa ku sugan shacab badan oo kasoo barakacay deegaanno badan oo kamid ah gobolkaasi.

Goobjoog News