U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Mid Ah Baarlamaanka Puntland Oo Ka Hadlay Mooshin Ay u Gudbiyeen Gudoonkooda

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Puntland, islamarkaana dhawaan dalbaday fadhi aan caadi ahayn in ay yeeshaan xildhibaanadooda, ayaa saxaafadda waxa ay faah faahin ka siiyeen mooshinkaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in ay ka geeyeen madaxda maamulkaasi.

Xildhibaanada kala ah Cabdixakiin Xuseen Guure, Cabdicasiis Saciid Gacmey iyo xildhibaan Cabdixakiin Dhooba ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid lagu doonayo in looga hadlo arimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda Puntland.

Waxa ay meesha ka saareyn in mooshinkaasi uu yahay mid shaqsiyaad gaar ah looga soo horjeedo ama carqalad u keeni kara shaqooyinka Puntland.

Guddoonka baarlamaanka Puntland ayeey xildhibaanadaan sheegeen in ay ka warsugayaan in uu kulankaan degdega ah isugu yeero mudanayaasha, maadaama sharciga uu qabo in kulamada aan lasii shaacin xilli walba ay xildhibaanada dalban karaan, xilli baarlamaanka Puntland fasax uu ku jiro.

Kulankaan degdega ah ay dalbanayaan xildhibaanadaan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay deegaanada maamulka Puntland ka arrimiyo ka dhacayeen falal amniga kasoo horjeeda.

Goobjoog News