U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Kormeer Ku Sameeyay Xaafadaha Degmada Jowhar

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka gobalka Shabellaha Dhexe ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay kormeer ku sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa kormeerkaan ku hogaaminayay xildhibaanada iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo maamulka ka mid ah, iyaga oo ku dhex lugeeyay xaafadaha degmadaasi ay ka kooban tahay.

Gudoomiye Guudlaawe oo bartamaha magaaladaasi kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in tani ay muujinayso amniga ka jira degmadaasi iyo sidoo kale wax qabadka mudadii Sanadka ahayd ee maamulkiisa.

Xildhibaan Cabdisitaar Cabdisalaan Sheekh Xasan Barsane oo isna ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee Kormeerka ku maray xalay xaafadaha degmada Jowhar ayaa aad u bogaadiyay amniga degmada ka jira.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in markii hore uu sawir qaldan ka haystay degmadaasi, hase ahaatee uu xaqiiqsaday in amniga Jowhar tahay mid la’isku halayn karo.

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe ayaa mar walba oo degmada Jowhar tagaan mas’uuliyiin waxa uu xilliga habeenkii ah kusoo dhex lugeysiiyaa xaafadaha magaaladaasi ay ka kooban tahay, si loo arko amniga Jowhar.

Goobjoog News