U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Dhaliilay Madaxda Maamulkaasi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dhaliilay madaxda ugu sarreysa maamulkaasi kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaannada ayaa tilmaamay in madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug ku eedeeyay inay carqalad ku yihiin howlahooda shaqo.

Waxay sheegeen in 24-kii saac ee la soo dhaafay aynaan shaqeynin xarunta madaxtooyada Galmudug.

Mudanayaasha kala ah Yuusuf Xasan Cali, Maxamuud Faarax Aadan iyo Faysal Axmed Cabdulle ayaa kamid ah Xildhibaannada kulanka lagu dhaleeceeyay madaxda ugu sarreysa dowlad gobaleedka Galmudug kaga qeyb galay magaalada Cadaado.

“Waxaan ka soo horjeednaa in madaxtooyada ay ka maqan tahay 24-kii saac ee la soo dhaafay korontadii, biyihii iyo amnigii, waxaan ku tilmaami karnaa inay ka dambeeyaan madaxda ugu sarreysa dowlad gobaleedka Galmudug waxaana laga soo horjeedaa inuu furmo baarlamaanka Galmudug waxaan caddeynaynaa soo xulista baarlamaanka federaalka ee Cadaado, waxaan ugu baaqaynaa reer Galmudug inay ka qeyb qaataan amniga Cadaado” ayay ku yiraahdeen warsaxaafadeed ay kulankooda ka soo saareen.

Dhanka kale, warsaxaafadeedka ayay kaga hadleen arrinta la xiriirta xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo oo ay ku baaqeen in lagu xaliyo wada hadal islamarkaana labada maamul ay xiriir wanaagsan ay yeeshaan.

Xildhibaannada kale ee kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in hoggaanka sare ee Galmudug shaqada aysan daacad ka ahayn.

Madaxda maamulka Galmudug ayaa weli ka jawaabin eedeymaha uga imaanaya xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi Galmudug.

Goobjoog News