U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Diiday Guddi Ka Soo Talabixinaya Xubnaha Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxaa ay kasoo horjeesteen guddi madaxweynaha maamulkaasi Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed uu u magacaabay in ay kasoo talabixiyaan qaabka beelaha Galmudug wada dega loogu qeybinayo xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deegaanada maamulkaasi.

Waxa ay sheegeen in guddiga uu magacaabay madaxweyne Guuleed uusan sharci ku imaanin islamarkaana xildhibaanno kamid ah kuwa Galmudug aysan sharci u lahayn inay aqal sare keenaan.

Madaxweynaha Galmudug ayay tilmaameen in uusan sharciyad u haysan  in uu magacaabo guddiga ka soo talabixinaya xubnaha Galmudug ku matalaya aqalka sare.

“Guddiga baarlamaan ee lagu sheegay inuu ka soo talabixinayo aqalka sare ee Galmudug, aqalka sare wuxuu leeyahay hannaan uu soo maro madasha ayaana looga dooday wuxuu soo marayaa xukuumadda, kadib waxay ugu soo gudbinaysaa qaab hindise sharciyeed baarlamaanka iyaga ayaana xaq u leh inay inay ansixiyaan iyo inay diidaan, ee Madaxweynuhu sharci uma heysto inuu guddi ceynkaas ah magacaabo” ayay ku sheegeen war ay siiyeen warfidiyeenka.

Xildhibaannada ayaa soo hadal qaaday duqeyntii ka dhacday degaanka Jeexdin ee duleedka Gaalkacyo taasoo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka, waxay sheegeen in dad shacab ah oo xoolo biyo u shubanayay iyo ciidamo Galmudug ay duqeysay dowladda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayay ugu baaqeen inay raalli gelin ka bixiso dadka ay ku leysay duleedka magaalada Gaalkacyo ama magta dadkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bixisaa.

Dhanka kale, xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa ka hadlay raashin gargaar oo ay sheegeen inuu ku jiro bakhaarro ku yaalla magaalada Cadaado iyo degaanno kale oo Galmudug ah.

Waxay sheegeen inay soo jeedinayaan in raashinkaasi gargaar oo dowladda Turkiga ka yimid in dadka shacabka ah ee abaaraha ay heystaan lagu caawiyo oo la siiyo.

Hadalka xildhibaannada ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Cadaado looga diyaargaroobayo soo doorashada xildhibaannada baarlamaanka federaalka ku matalaya labada aqal(Aqalka hoose iyo aqalka sare).

Goobjoog News