U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Ka Digey Meelmarinta Liiska Aqalka Sare Ee Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Qaar Kamid Ah Xildhibaanada Galmudug Oo Ka Digey In La Meelmariyo Xubnaha Musharrixiinta Aqalka Sare Ee Uu Soo Gudbiyay Madaxweynaha Maamulkaasi

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa si adag uga soo horjeestay liiska xubnaha musharrixiinta aqalka sare ee Galmudug ka imaanaya.

Liiskani oo uu soo gudbiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa xildhibaannadu ay sheegeen inuu yahay mid aan waafaqsanayn cadaaladda iyo dastuurka u degsan Galmudug.

“Sida ku cad dastuurka Galmudug sharciga ayaa ka sarreeya qof walba dhammaan hay’adaha iyo madaxda waxayna u hoggaansamayaan shuruucda dalka, ma ahan in qofka uu ku tunto sharciga liiskaasi waa cadaalad darro maxaa yeelay waxaa laga reebay dad musharrixiin ah oo doonayay inay tartamaan dadkaasna waa laga reebay” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali.

Xildhibaanka ayaa wareysiga uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in qof walba oo ka soo jeeda degaanka uu xaq u leeyahay inuu tartamo aqalka sare ee Galmudug balse cadaalad darro uu sameeyay madaxweyne Guuleed.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in ka baarlamaan ahaan aysan meel marin doonin xubnahaasi islamarkaana ay wanaagsan tahay in la dhowro sharciga.

Maalmaha soo socda ayaa qorshaha uu yahay in magaalada Cadaado uu ka dhaco tartanka musharrixiinta aqalka sare ee uu soo gudbiyay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay ilaalinta dastuurka islamarkaana uu dib ugu laabto liiska uu soo saaray ee musharrixiinta aqalka sare.

Cabashada ka soo yeereysa qaar kamid ah xildhibaannada maamulka Galmudug ayaa weli waxaa ka hadlin madaxweyne Cabdikariin Guuleed.

Goobjoog News